Mashruuca la Tacaalidda Cudurka COVID-19 oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland iyo Dowladaha Hoose ee Degmooyinka Puntland ayaa laga daah-furtay Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug.
Mashruucan ayaa ah mid isugu jira wacyigelin iyo qaybinta agabka looga hortaggo faafitaanka cudurka COVID-19 oo ka kooban agabka cafimaadka iyo kuwa nadaafada.

Dowladda Hoose ee Degmooyinka Puntland ayaa safka hore kaga jara la dagaalanka ka hortaga Cudurka Coronavirus, iyagoona wacyi-gelin joogta ah iyo bixintaagabka muhiimka u ah la tacaalida cudurka u qeybinaya Bulshada.








Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.