Bartamaha Rafax waxaa la wareegay Ciidamada Israa’iil

Goobjoogayaal iyo Wariyayaal jooga Rafax,ayaa sheegay in Taangiyada Israa’iil ay la wareegeen isgoyska goobaabinta al-Cawda oo ku yaal bartamaha magaalada.

Al-cawda waa meel caan ah oo ku yaaleen bangiyada waa weyn,hay’adaha Dowladda, ganacsiyo iyo Dukaamo.

Goobtaas ay Israa’iil la wareegeen waxay u jirtaa Nus Kiilomitir xadka Falastiin iyo Masar ee dhanka Koonfureed.

Goobjooge isaga iyo Qoyskiisa galay isbitaalka Imaraati oo ku yaal dhinaca galbeed,ayaa sheegay in Ciidamada ay galeen qeybta sare ee dhismaha kaddibna ay bilaabeen in ay toogtaan cid kasta oo dhaqaaqeysa.

Ku dhawaad Hal Milyan,ayaa u qaxay Rafax Sadexdii Toddobaad ee u danbeysay sida ay sheegtay hay’adad Qaramada Midoobay ee qaxootiga Falastiin UNRWA.

 

Xigasho:-BBC


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading