Beelaha ay kasoo jeedaan Wasiiradda,Ku xigeenada & Wasiiru-dowlayaasha Puntland ee la magacaabey.
Isku bedel Wasiiro:
- Waxaa Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha. – (Waa Dhulbahante – Cali Geri).
- Waxaa Cabdullaahi Cabdi Xirsi loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka – (Waa Leelkase)
- Waxaa Axmed Shire Siciid loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Beeraha – Waa Beesha (Waa Maajeerteen – Caji Jibraahil)
Magacaabid:
- Waxaa Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga. – (Waa Majeerteen – Biciidyahan)
- Waxaa Dr. Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska. – (Waa Leelkase)
- Waxaa Dr. Carshe Maxamed Siciid Aw-muuse loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha. – (Waa Majeerteen – Ciismaan Maxamuud)
- Waxaa Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha- (Waa Warsangeli – Dubeys)
- Waxaa Cabdalle Cali Maxamed (Xashaawe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. (Waa Majeerteen – Cumar Maxamuud.)
T) Wasiir Kuxigeeno :
Bedel
- Waxaa Faa’iso Cali Ismaciil loo bedelaya Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beeraha (Waa beelweynta Gabooye.)
Magacaabid :
- Waxaa Laylo Cabdi Cali loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka (Waa Majeerteen – Cali Saleebaan.)
- Waxaa Aamino Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka (Waa Warsangeli – Cumar)
- Waxaa Cali Cumar Caarshe loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda – (Waa Dhulbahante – Ugaadhyahan)
- Waxaa Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada – (Waa Warsangeli Cumar)
- Waxaa Qaasim Maxamed Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Dekeddaha – (Waa Majeerteen – Wadarmuge)
- Waxaa Cabduqaadir Maxamed Suleymaan loo magacaabay Wasiirk Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta – (Waa Dhulbahante – Qayaad.)
J) Wasiiru Dowlayaal :
- Waxaa Shaakir Maxamed Guuleed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta – (Waa Dhulbahante – Reer Hagar)
- Waxaa Axmed Maxamuud Maxamed (Barile) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha – (Waa beesha Tiinle)
- Waxaa Nuur Sheikh Daahir Sheikh Nuur loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha – (Waa Awr-Table – Yuusuf Daarood)
- Waxaa Axmed Ibraamin Cawaale loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. (Waa Dhulbahante – Khaalid)
- Waxaa Cabdinaasir Aadan Gows loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda – (Waa Awr-Table – Yuusuf Daarood.)
- Waxaa Mustafe Cabdifitaax Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. – (Dhulbahante – Waceys Aadan)
- Waxaa Cabdiqani Maxamed Cabdi Ciise loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga – (Waa Dhulbahante – Cumar Waceys.)
- Waxaa Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha (Waa Majeerteen – Siwaaqroon.)
- Waxaa Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta. (Waa Warsangeli – Cumar)
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.