Beesha caalamka oo markale baaq udirtay hogaamiyayaasha Somalida

War-saxaafadeed, Saaxiibbada Caalamka ee Soomaaliya waxa ay maanta soo dhoweeyeen ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay kulmi doonaan 15-ka Febraayo si loo dhammeystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhuusamareeb ee dhowaan qabsoon tay.

“Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17-kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya,” ayey ku xuseen war-saxaafadeedka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading