Beesha Caalamka oo MW Deni dhabarka ujeedisay

Kulanka Koobaad,waxaa wada yeeshay Madaxweyne Deni,ku xigeenkiisa Karaash iyo Wakiilka Xoghayaha Guud,waxuuna socday ku dhawaad Hal Saac.

Kulanka Labaad,waxaa yeeshay Madaxweyne Deni iyo Wakiilka Xoghayaha Guud oo kaliya,waxaana uu socday ku dhawaad Saacad iyo jajab.

Kulanka,waxaa markii ugu danbaysay kusoo biiray Wasiirada,waxaana lawada joogay 5-daqiiqo wax gaaraya.

Arimaha laga wada hadlay?

1.Madaxweyne Deni,waxaa lasoo gaarsiiyay go’aanka BC ee Doorashada Puntland,kaasoo udhignaa..

“Waan taageernay Dimuqraadiyada,lagamase gaaro wakhtiga haray,sidaa daraadeed keen wax heshiis lagu yahay oo ay kusii socon karto,8-Jan Bulshada PL waa ku weyn tahay,wayna ilaalsadaan,ma rabno in dhibaato ka dhacdo Doorashada PL,adaana iska leh masuuliyadeeda oo aan kugula xusaabtamaynaa”.

2.Waxaa lagala hadlay khilaafka Dowlada Qaran iyo Dowlada PL,waxaana loo sheegay in ay lagama maarmaan u tahay PL Dowlad dhiska Somaliya oo si gaar ah ay tahay Maamulka kaliya ee la Xisaabtama Dowlada Dhexe,isla markaana,waxaa la taabsiiyay khilaafka jira in meel walba ay taalo in uu yahay mid Shaqsi oo udhaxeeya Deni iyo Xasan.

Isku soo wada duuboo,BC,waxay xaqiijisay in aysan qayb ka noqonayn Doorasho aan heshiis lagu ahayn,xataa hadii Dimuqraadiyad lagu galayo.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading