Beesha Caalamka oo si weyn uga walaacsan Doorashada Puntland

Waxaa jiray kulan dhexmaray BC iyo Madaxweyne Deni,kaasoo ka dhacay Nayrobi ka hor inta uusan kasoo tagin ee Adis uusan imaan.

Kulankaas BC waxay kaga xog waraysatay Laba arimood..

1.Doorashada Puntland.
2.Wada shaqaynta Dowlada Dhexe iyo Puntland.

Ilo xog ogaal ah,waxay ii xaqiijiyeen in ay Safiiradii BC waxba ka fahmi waayeen jawaabihii MW Deni oo ay ka mid ahayd….

“PL waxba kama jiraan,ha dhagaysanina Dadka yar ee qaylinaya”.

Su’aalaha la waydiiyay,waxaa ku jirtay…..

’30-Qof see ugu dhimatay Garowe hadaysan waxba ka jirin”.

BC waxay Shalay yeelatay kulan Khadka Intarnedka ah oo lagu go’aamiyay…

B.In si dhow loola socdo Doorashada Puntland.

T.In la dhiso Gudi ka kooban BC oo si gaar ah ugu xil saaran xaalka Doorashada Puntland.

Maraykanka,Midowga Yurub iyo QM,ayay ka kooban tahay BC-ka kulantay xaalka Doorasho ee Puntland.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading