Beesha Caalamka oo soo dhaweysay heshiiskii Madaxweynaha Jubbaland iyo mucaaradkiisii.

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay heshiis ay dhowaan magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ku gaareen Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Golaha Is-bedel doonka Jubbaland, kuwaas oo ku kala Irdhoobay Doorashadii bishii August ee sanadkii tagay ee 2019.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xubnaha Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiska ay wada-gaareen Madaxweynaha Jubbaland iyo mucaaradkiisii ay horseedayso in la soo afjaro kala qeyb-sanaantii ka dhalatay Doorashadii Jubbaland, waxaana ay intaas ku dareen in loo baahan yahay in dhinacyadu ay sii wadaan dhaqan-gelinta heshiiskii 20-April lagu gaaray Nairobi.

Sidoo Kale, Beesha Caalamka ayaa bogaadisay aragtida Hoggaanka Jubbaland ee aheyd in miiska wada-hadalka lagu dhameeyo khilaafkii ka dhex jiray Jubbaland iyo inay diyaar u yihiin wada-hadal ay la galaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay dadaalada lagu soo gaba-gabeynayo khilaafyada ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, iyadoona sidoo kale soo dhaweysay soo afjaridii khilaafkii ka dhashay Doorashadii Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Halkaan Riix si aad u Akhrisato War-saxaafadeedka Beesha Caalamka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading