Beesha Caalamka oo uga digtay MW Xasan in uu kaligii wax ka badal ku sameeyo Dastuurka

Warka kasoo baxay Qaramada Midoobey ee ku aadan Qabyo tirka Dastuurka Kmg ah ee Fadaraalka,waxuu dharbaaxo ku yahay qorshaha MW Xasan ee baalmarsan Sharciga Wadanka.

“Waxka badal walba oo laga samaynayo Dastuurka,waa  in ay ku yimaadaan wada ogol iyo wada xaDalka”Ayaa lagu yiri warka QM.

 

Dhanka kale,waxuu garab istaag uyahay ilaalinta midnimada,wax wada lahaanshaha,Dastuurka iyo Dowlad dhiska Dalka.

Sidaanoo kale,waxaa war ay soo saareen MW Xasan ugu digay Hormuudka Siyaasada Somalida oo ay ku jiraan MW Sh.Shariif,RW Cumar iyo Xasan.

Dowladnimada Wadanka ka jirta,waa mid ku timid heshiis Bulsho ee ma’ahan mid Qof qaabeeyay oo Madaxweyne kaligiis sameeyay ama samayn karo.

QM warkeedu ma’ahan mid layska yiri ee waxay leedahay saamayn weyn markay timaado arimaha Somaliya.

 

Jibril Qoobey


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading