Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
βColaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato biniβaadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaabβ ayaa lagu yiri war kasoo baxay beesha Caalamka.
Xubnaha beesha Caalamka ayaa dalbaday in xal deg deg ah loo helo dagaalka, islamarkaana la caawiyo dadkii ku barakacay dagaallada.
βWaxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaanβ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay beesha Caalamka.
Idilnews
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.