Beledweyne: Kaalmo la gaarsiiyay Dadkii uu saameeyay Fatahaada Wabiga

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo fariisin ku leh magaalada Dhuusamareeb ayaa kaalmo soo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee magaalada Baladweyne.

Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in kaalmo ay iska jareen ciidamada soo gaarsiiyeen Beladweyne.

“Waxaan ahayn saraakiil booqasho ku timid Beladweyne, una soo gurmaday shacabkooda Beladweyne ku nool, waxaana ka nimid Dhuusamareeb, waxaana walaalaheen ugu deeqday kaalmo yar oo ciidanka Qalabka sida ay iska gooyeen oo ay dadkooda ugu tabaruceen, waxaan rabnay inaan qalbigeena tusno” ayuu yiri  Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale.

Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa sheegay in shacabka reer Galmudug ay iminka wadaan dadaallo kaalmo loogu arruurinayo Walaalahood ay fatahaaduhu saameeyeen, ayna dhankooda diyaar u yihiin inay soo galbiyaan marka ay kaalmada iska soo aruuriyaan shacabka Galmudug, si loo soo gaarsiiyo Beladweyne.

Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa ugu baaqay bulshada inteeda kale inay dhankooda kaalmada la soo gaaraan shacabka ku dhibaateysan duleedka Beladweyne ee ka soo barakacay fatahaadaha.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading