Beledweyne:-Wararkii ugu danbeeyay Ee iska hor imaadka labada Maleeshiyada iyo ciidanka amniga

Ugu yaraan seddex qof oo shacab ah ayaa galinkii dambe ee manta lagu dilay magaalada Baledweyne 2 kalana waa lagu dhaawacay ka dib iska hor-imaad dhex maray ciidamada amniga iyo maleyshiyo beeleed.

Isku dhacyada ayaa yimid kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay isku dayeen in ay saldhigga booliska kala baxaan askari lagu eedeeyay in uu shalay magaalada ku dilay wade mooto bajaaj.

Dhimashada seddexda qof iyo dhaawaca labada kale waxaa xaqiijiyay howl-wadeennada caafimaadka ee isbitaalka Baledweyne.

Maleeshiyo beeleed fara badan oo magaalada la soo galiyay ayaa kala xiray isu socodka gaadiidka iyo dhaq-dhaqaaqii ganacsiga Baledweyne.

Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan, waxaana dadku ay muujinayaan baqdin ah in markale uu iska hor-imaad ka dhaco magaalada haddii aan xiisadda la dejin.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading