Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee qiimaynta goobaha diiwaangalinta iyo Seejooyinka Degmada Bander-Bayla ee Gobolka Karkaar,ayaa Kulan la yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo masuuliyiinta Degmada.

Guddiga ayaa masuuliyiinta Degmada iyo Bulshada uga warbixiyey Safar kooda shaqo iyo guud ahaan Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada Bandar-Bayla,ayaa aad usoo dhoweeyey Doorashooyinka Qof iyo codka ah ee Golayaasha Deegaanka Puntland.

Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.