Benjamin Netanyahu oo cadaadis lagu saarayo in uu weeraro Rafah

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu,ayaa cadaadis kala kulmaya xukuumaddiisa isbaheysiga ah si uusan uga tagin qorshaha weerarka Rafah ee koonfurta Qasa.

Wasiirka amniga qaranka midigta fog ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, ayaa uga digay Netanyahu in uu ka la laaban doono taageerada haddii aanu weerarku dhicin. Hadalkiisa,ayaa daba socda ka bixitaanka ciidamada Israa’iil qaarkood ee koonfurta Qasa,taasoo Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil uu sheegay inay u ogolaanayso inay dib isu abaabulaan.

In ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah,ayaa gabaad ka dhigtay magaalada Rafah, xulafada Israel oo uu ku jiro Mareykanka ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan weerarka lagu qaaday magaalada, iyagoo ka digaya masiibo bini’aadantinimo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading