Biden oo sheegay in Danta Amniga Qaranka Maraykanka ay ku jirto Dagaallada Xamaas iyo Ukrain

Waa arrin muhiim u ah amniga Qaranka ee Mareykanka in Israa’iil iyo Ukraine ay ku guuleystaan dagaalladooda,sidaas waxaa sheegey Madaxweyne Joe Biden oo habeenkii Khamiista khudbad naadir ah ka jeediyey Xafiiskiisa ku yaalla Aqalka Cad ee Oval Office.

Hadalka madaxweynaha,ayaa ka dhigan in ay sii qoto dheerayso doorka Mareykanka ee ku lug lahaanshaha ee dagaalada ka socda labadan dal.

Biden ayaa sheegay “in haddii gardarada caalamiga ah loo ogolaado inay sii socoto, inay isku dhacyada iyo fowdadu ay ku fidi karaan qaybaha kale ee aduunka.”

“Xamaas iyo Putin waxay matalaan halisyo kala duwan,”Ayuu yiri Biden.

Waxuuna sii raaciyey “laakiin waxay wadaagaan, in labadooduba ay rabaan inay gebi ahaanba baabi’iyaan dimuqraadiyadda dalalka deriska la ah.”

Biden,waxa uu sheegay in uu codsi dhaqaale oo degdeg ah u diri doono Congress-ka, kaas oo la filayo in uu noqdo ku dhawaad $100-Bilyan sanadka soo socda.

Hindisahan, oo la soo bandhigi doono Jimcaha, ayaa waxaa ku jira lacag loogu talagalay Ukraine, Israel, Taiwan, gargaarka bini’aadantinimo iyo maareynta xuduudaha.

VOA.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading