Bixinta kaararka cod-bixiyayaasha Puntland oo lasoo gaba-gabeeyay

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in lasoo gaba-gabeeyay bixinta kaararka cod-bixiyayaasha Doorashooyinka hordhaca ah ee Puntland, oo lagu qabanayo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Codbixiyayaal dhan 37,578 oo ka mid ah 46,839 oo si rasmi ah iskaga diiwaangeliyay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn ayaa kaararkoodii qaatay mudadii kaarar bixintu socotay oo ku ekeyd 18/10/2021, sida uu sheegay Guddiga TPEC.

Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa 25 bishan October u dareeraya doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah, oo ka dhacda deegaanada Puntland, taas oo ay ku loolamayaan 9 Urur siyaasadeed.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading