Blinken oo usafray Israa’iil kadib Sirta weerarka oo fakatay

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Talaadada maanta ah gaaray Isra’il, halkaas oo uu ka billaabayo booqasho uu ku mari doono dalal ku yaalla Bariga Dhexe.

Blinken ayaa isku dayi doona in uu soo nooleeyo wadahadallada xabbad-joojinta Qasa iyo mustaqbalka siyaasadda ee Marinka Qasa, kaddib dilka hogaamiyihi Xamaas Yaxya Sinwaar.

Socdaalka Blinken,ayaa kusoo aadaya xilli Biden aad uga walaacsan yahay Sirta dukumeentiyada ee qorshaha ku saabsan weerarka Israel ay ku doonayso inay ku qaado Iran.

Sidoo kale Socdaalkan,ayaa noqonaya kiisii 11-Aad ee uu ku tagayo Israa’iil, tan iyo marki ay billaabatay colaaddka Israa’iil iyo Xamaas Todobadii bishii Oktoobar ee Sannadki 2023-dii.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading