Banaanbaxyo waa weyn oo rabshado wata ayaa ka bilaawday qeybo badan oo kamid ah xaafadaha Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in banaanbaxyada ay daba socdaan boob loo geysanayo Goobaha Ganacsi oo ay Ajaanibta leeyihiin, waxaana banaanbaxayaasha oo ah taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ay wadooyinka ku gubayaan Taayaro iyo Agab kale.
Meelaha uu boobka sida weyn uga socdo ayaa waxaa kamid ah xaafadaha, Jeeps Town, Hillbrow, High Way, Iyo Qeybo kamida ah Xaafadda Alexander Township, sida ay sheegeen Ganacsatada Soomaalida.
Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in ay soo wajahday cabsi la xiriirtabin la boobo Ganacsigooda, waxaana meelaha qaar ka bilaawday in ay la baxaan Agabkooda Ganacsi.
Dalka Koonfurka ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaalida ah, waxaana ay mar walba la kulmaan, dil , dhaawac iyo in la boobo hantidooda.
Idilnews
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.