Booliska degmada Carmo oo lagu wareejiyay Gaari cusub (VIDEO+Sawirro)

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dekadaha Dowlada Puntland Yusuf Maxamed Waceys’Dhedo’ Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Degmada Carmo ee Gobalka Bari gaarsiiyay Gaari Booliis ah oo loogu adeegi doono Bulshada Degmada Carmo kaas oo waxbadan ka anfici doono dhinaca amniga.

Taliyaha Qeybta Booliska oo gaarigaan ku wareejiyay Gudoomiyaha Degmda Carmo iyo Taliyaha Saldhiga ayaa kula dardaarmay in garigaan ay u isticmalaan sidii loogu talagalay.

Gaarigaan oo qeyb ka ahaa gadiid uu Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Saciid Cabdulaahi Deni ugu deeqay laamaha amaanka Gobolada Puntland si ay bulshadooda ugu shaqeyaan Taas oo Bulshada Gobolada ay uga mahadceliyeen Madaxweynha Iyo Taliska Ciidanka Booliska Dowlada Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading