Booliska fadaraalka itoobiya oo qabqabtay masuuliyiin ka tirsan maamulka Oromada

Sidda uu goor dhaw sheegay Taliyaha ciidamada Booliska Faderaalka ee dalka Itoobiya Jen, Sayn Jamaal ayaa sheegay in la qabtay shaqsiyaad lagu xariirinayo in ay ka mid ahaayeen ama masuul ka yihiin dad Soomaaliyeed oo lagu dilay xadka u dhaxeeya Ismaamul gobaleedyada Soomaalida & Oromada, kuwaas oo ka tirsan maamulka Oromada.
 
Jeneraalka ayaa sheegay in ay dadkaas hadda sugayaan cadaaladda oo ay horkeeni doonaan Maxkamad laguna ogaayo dambiyada ay geysteen ee lagu soo qabtay.
 
Sidaas oo kale dadka la qabtay ayuu sheegay in ay ku jiraan kuwa abaabulayo dhiilo colaadeed, ayna hadda dhamaantood sugayaan Cadaaladda in ay wajahaan.
 
Wararka ayaa sheegaya in xubnaha la qabtay ay ku jiraan kuwa Hub siinayey Qabaa’ilada Oromadda, kana tirsana maamulka Sare ee Madaxtooyada Oromadda, waxaana dabagal lagu hayaa xubnaha ugu waa weyn ee maamulkaas.
 
Taliyaha ciidamada Booliska Faderaalka ee dalka Itoobiya Jen, Sayn Jamaal ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Jigjiga, isagoo la hadlay qaar kamid ah ehelada dadkii la dilay oo shalay iskugu soo baxay gudaha magaaladas.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading