Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Cabdi Shire, ayaa maanta la wareegay Gaari weyn oo ah nooca lagu qaado maxaabiista (Shabaqle), kaas oo ay soo iibiyeen Golaha Horumarinta iyo Amniga Gobalka Mudug oo ay ku mideysanyihiin Qurbojoogta Gobalka Mudug.
Munaasabadda gaarigan lagu wareejinayay ayaa waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur, Duqa degmada Gaalkacyo Hon Mohamud Abdinur iyo xubno ka socda qurbajoogta Gobalka Mudug.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.