Booliska Mudug oo Hub fara badan qabtay

Waxaa maanta Qeybta Booliska Gobolka Mudug lagu soo bandhigay Qaar kamida noocyada Hubka oo lagu soo qab-qabtay Howlgalada Laamaha Amniga Gobolka Mudug ay sameeyeen

Munaasibadan waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur,Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, Gudoomiyaha Degmada, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka mudug Muumin Cabdishire Gudoomiyayaasha Maxkamada Darajada 1aad iyo Racfaan, Xeerl ilaalinta, Taliyaha Saldhiga dhexe, Agaasimaha Warfafinta Gobolka, Saraakiil iyo Culimo,

Hubkaan oo isugu jiray Qoryaha Fudud, Kuwa garabka laga rido iyo Bambooyin ayaa lagu qabtay Howlada la dagaalanka maandooriyaha iyo Tuugada Dhaca Bulshada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading