Booliska Mudug oo ka hor istaagay in ay baxsadaan Raggii dilay Dhakhtarka

Booliska Mudug,waxay ku guulaysteen in ay ogaadaan in aysan bixin Nimankii Dhakhtarka dilay oo ay ku jiraan gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale,waxay ku guulaysteen in ay ogaadaan Guriga ay ku jiraan oo ay isku wareejiyeen,balse Odoyaal Beeshooda ah,ayaa codsaday in ay ugalaan oo si nabad ah kusoo wareejiyaan,waxaana la siiyay ugu danbayn ilaa Berri foog.

Nimanka dilay Dhakhtarka way usuuroobi wayday in ay baxaan,sababtoo ah,waxaa si Deg-deg ah uhawlgalay Booliska…

1.Waxaa la xiray dhamaan Wadooyinka baxa.
2.Waxaa lala hawlgalay Booliska DDSI.
3.Waxaa lala hawlgalay Booliska Galmudug.

Shaqo fiican ayay qabteen Booliska iyo Maamulka Gobolka,waxaana la rajaynayaa in hawlgalkan guul kusoo dhamaado dhawaan.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading