Booliska Nugaal oo war kasoo saaray argagixiso lagu qabtay Garowe

Ciidanka Booliska gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigey 7 nin oo ku Eedaysan iney ay ka tirsan yihiin Kooxaha Argagaxisada ah.

Waxa xabsiga dhexe ee Garowe maanta loo qaadey 3 kamid ah kooxdaas,halkaas waxaa marki la gaayey Iridda xabsiga isku dayey in uu baxsado mid kamid ah 3daas waxaana so gaarey dhaawac,kaas oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo mid kamida Isbitaalada Garowe.

Laamaha Amnigu waxay beeninayaan wararka been abuurkaa oo baraha bulshada lagu faafiyey kuwaas oo ah waxba kama jiraan

Waxaan bulshada ka codsanaynaa in ay lashaqeeyaan ciidanka booliska ayna ilashadaan amniga iyo xasiloonida ay haystaan,ilaashadaan wixii xogana ay lasoowadaagaan laamaha amniga.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading