Booliska PL oo Gacanta ku dhigay Tiro Burcad Badeed ah

Howlgalka lagu qabtay Ninkan,ayaa ka dhacay Xaafada Israac ee Magaalada Gaalkacyo,sida uxaqiijiyay Talyaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland.

Talyaha,ayaa sheegay in xog ay ka hayeen ay u sahashay in ay ku bartilmaameedsadeen Ninkaan xilli uu ku sugnaa goob ku taal Waqooyiga Gaalkacyo.

“Ninkan wuxuu ahaa hogaamiyihii kooxdii Burcad Baddeeda ahayd ee sii daysay Markabkii MV Abdullah”Ayuu yiri Talye Maxamuud Cabdixakiin.

“Waan ognahay midkasta oo ka mid ahaa halka iyo howsha uu u xilsaarnaa Markabkii MV Abdullah.”Ayuu yiri G/sare Maxamuud oo ka jawaabayay sida ay ula socdaan xogta Kooxda Burcad Badeeda ah.

Intii howlgalka qabashada Ninkaan uu socday wuxuu Taliyuhu sheegay in aysan jirin wax iska caabin ah oo ay Booliskiisu kala kulmeen qabashadiisa.

“Wuxuu fadhiyey meherad lagu caweeyo, Ciidanka Boolisku waxay si taxadar leh u fuliyeen howlgalkaas oo laba dhinacba laga eegayey, mid in la qabto ninkaas mida kalana ahayd in maadaama meeshu ahayd meel dad badan ku sugnaayeen inaan waxyeelo ka dhalan, waana ku guulaysanayey labadaba”Ayuu intaas raaciyey Taliye Maxamuud.

Puntland,ayaa tirada burcad baddeeda ee Markabkaas MV Abdullah, sii daysay ku sheegtay inay dhan yihiin ilaa Soddon Nin oo markii ay ka soo dageen Markabka ku kala firxaday deeganada Puntland.

“Labaatan Bari ka hor waxaan qabanay nin kale oo kuwaas ka mid ahaa oo xiran kan ugu danbeeyeyna wuxuu noqonaya kii Labaad ee raggaas ka mid ah ee lagu qabto Gaalkacyo, marka Labo kalana waxaan ogahay in ay Nugaal ku xiran yihiin” ayuu yiri Talyaha Booliska G.Mudug ee Puntland G/sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading