Booliska PL oo Gacanta ku dhigay tiro Burcad Badeed ah iyo Qalabkoodii

Ciidanka Booliska Puntland ee qaybta Gobolka Raasa’casayr ayaa gacanta ku dhigay rag Burcad badeed ah,hub iyo gaadiid badeed oo ay wateen.

Howlgalka oo socday 24tii saac ee lasoo dhaafay oo uu hogaaminayay Taliyaha Saldhiga degmaada Bareeda Xidigle Mohamed Hasan Ciise ayaa lagu sooqabtay Saxiimad ay wateen hub iyo sadex kamida Burcadbadeedii wadatay,waxaana wili socda howlgal oo iyana lagu baadigoobayo afar kale oo kamida Burcad badeeda gacanta lagu dhigay.

Ciidamada Booliska Gobolka Raasi Casayr ayaa ku raad joogaa cidkasta oo isku dayda in ay khalkhal galiso amniga deegaana Puntland si ay ugu qabtaan gacan adag.

Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading