Booliska PL oo kasoo qabtay Eedaysane Nayrobi

Taliska Qaybta booliska Gobolka Nugaal,ayaa maanta lawareegay eedeysane baxsad ahaa oo si dhuumaaleysi ah ugu gudbay dalka Kenya,kaas oo maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe.

Eedaysane Maxamed Cumar Ciise ayaa ku eedeysan dilka marxmuum Axmed Cabdullaahi Maxamuud Faarax oo 17-05-2023 ka dhacay magaalada Garowe waxaa qabashadiisa iska kaashaday Ciidanka Booliska Aduunka ee Interpol,Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Mumin Abdi Shire,Laanta Danbi batista CID ee Gobolka Nugaal iyo Eheladda eedaysanaha,waxaana la horgeydoonaa Maxkamada awooda u leh kiiskiisa.

#FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading