Booliska Puntland oo Boosaaso ku qabtay dad ka ganacsanayay cunnooyin xaaraan ah (Sawirro)

Ciidanka Booliska Puntland oo howlgallo ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa gacanta ku dhigay Rag iyo Dumar ka ganacsanaysa cunooyinka xaaraanta ah ee la kariyo bisha barakeysan ee Ramadaanta.

Howlgalkan ayaa Ciidamaddu sameeyeen kaddib markii ay u soo gudbiyeen Shacabka magaalada Boosaaso goobo lagu karinayo cunnooyinka xaaraanta ah, kuwaas oo ku yaalla xaafado kamid ah magaalada, Ciidanka ayaana albaabadu u laabay goobihii cunada lagu karinayay, waxaana ay xabsiga u dhaadhiciyeen dadkii ka ganacsanayay.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa uga digay dadka ka ganacsada cunnooyinka xaaraanta ah bisha barakeysan ee Ramadaanta, waxaana uu intaas ku daray in cidii Boolisku kusoo qabto la horgeyn doono Maxkamad.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading