Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Dadkii fuliyay Dilkii xalay Garowe ka dhacay

Dadka lasoo qabtay,ayaa tiradoodu waxa ay gaaraysaa ilaa iyo Afar Qof oo Saddex Dumar tahay kuwaasi oo ku eedaysan dilka Cabdikaafi Cabdixaafid oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Dowladda-hoose ee caasimadda Garowe.

Ciidamada Booliska iyo kuwa sirdoonka Puntland,ayaa xalay marka uu falkaasi dhacay waxay gudaha magaalada ka sameeyeen howlgalo lagu baadi goobayo Dadkii ka danbeeyay dilkii Xalay loo gaystay Cabdikaafi.

Ciidamada waxay gacanta ku soo dhigeen eedeysane Cabdikaafi Ibraahim Aadan iyo 3-Dumar ah oo eedeysanaha ku wehelinayay dilka marxuumka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading