Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Zakariye Xaaji

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay Sakariye Xaaji Siciid, oo sheegtay Af-hayeenka Beesha Cali Saleebaan, kaas oo qeyb ka ahaa falal Ammaan-darro oo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Ciidanka Booliska ayaa ninkan ka qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, isagoo doonaya inuu dalka ka baxo.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan loo haysto Afla-gaado uu u geystay Hanaanka Dowliga ah ee Puntland, lana horkeeni doono Maxkamadda.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading