Booliska Puntland oo howlgallo ka bilaabaya Gobalka Sanaag

Ciidanka Booliska Puntland ayaa howlgallo lagu xoojinayo Amniga ka bilaabaya Degmooyin iyo deegaano kamid ah Gobalka Sanaag.

Howlgalka oo ay fulinayaan Ciidammo cusub oo kamid ah Booliska Puntland oo shalay gaaray magaaladda Badhan ee Gobalka Sanaag, ayaa ka dhan ah falalka Ammaan-darro iyo ka ganacsiga maandooriyaha, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Amniga Puntland.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani, ayaa ugu baaqay Shacabka Gobalka Sanaag inay la shaqeeyaan Ciidanka cusub ee Booliska si loo adkeeyo Amniga Gobalka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading