Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland ayaa Jabuti uga qeyb-galay Shirka Horumarinta Amniga badda Cas iyo Gacanka Cadan kaas oo ay ka qeyb-galeen dalalka Soomaaliya, Djibouti, Yeman iyo Itoobiya.
Shirkaan oo looga hadlay Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cad,ayaa waxaa lagu gorfeeyay kaalinta dalalka ka qeyb-galay ka geysan karaan suggida amniga xuduudahooda.

Saraakiisha ka socotay Ciidanka Booliska Puntland ayaa halkaa ku soo bandhigay kaalinta Dawladda Puntland gaar ahaan Ciidanka Boolisku ay ka qaataan suggida Amniga beriga iyo badda o Puntland ka mid tahay goobaha ay marto Badda Cas & Gacanka Cadan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire,ayaa boggaadiyey ka qeyb-galka iyo Doorka ay ka geysteen shirkaas saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland & taageerada uga timaada dalalka ku yaala Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.