Booliska Puntland oo qof shacab ah ku dilay magaalada Boosaaso

Ciidammada Booliska Gobalka Bari oo howlgallo ka wada magaaladda Boosaaso ayaa xalay dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Marxuum Ayaanle Jamac Cumar, halka ay dhaawaceen qof.

Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska gobalka Bari ayaa looga tacsiyeeyay geerida Marxuum Ayaanle, Taliska ayaana sheegay in marxuumka ay xabadu uga dhacday Askari kamid ah Booliska Bari.

“Booliiska Gobolka Bari waxa uu tacsi la wadaagayaan Ehelada & qaraabada uu ka dhintay Marxuum Ayaanle Jamac Cumar oo cawa askari ay kaga dhacday Xabad Waxaana uu sidoo kale Caafimaad u rajeynayaa inuu ka soo kabto dhaawaca soo gaaray Bishaar cali cawad oo marxuumka la socday.”

Taliska Qeybta Booliska gobalka Bari ayaa xusay in gacanta lagu dhigay askarigii dilka geystay, uuna haatan socdo baaritaanka dhacdadan, waxaana ay intaas uu ku daray Talisku inay bulshada lasoo wadaagi doonaan waxa kasoo baxa baaritaanka.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading