Garowe, Maarso 11, 2025 – Ciidanka Booliska Puntland,ayaa maanta xabsiga dhigay eedaysane lagu arkay muuqaal baraha bulshada lagu faafiyey, isagoo si xun u jirdilaya ilmo yar suuqa magaalada Garoowe. Eedeysanaha ayaa magaciisu yahay Cabdifitaax Cabdinuur Faarax.
Baaritaanka hordhaca ah ee Boolisku sameeyey,ayaa caddeeyey in eedaysanuhu uusan ka tirsanayn Ciidanka Booliska Puntland ama hay’adaha kale ee amniga. Sidaas darteed, wuxuu fal-dambiyeed ku galay isticmaalka dharka Ciidanka iyo xadgudubka xuquuqda ilmaha yar. Eedeysanaha ayaa ka mid ah waardiyeyaasha Suuqa Inji ee Garowe.
Ciidanka Boolisku, iyagoo fulinaya waajibaadkooda sugidda amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, ayaa degdeg uga falceliyey dhacdadan, waxaana eedaysanaha loo gudbin doonaa hay’adaha Garsoorka si sharciga loola tiigsado.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu caddeynayaa in dhammaan sharciga la marsiin doono cid kasta oo ku lug leh falal ka hor imaanaya xeerarka iyo anshaxa Ciidanka, kana dhan ah ilaalinta xuquuqda shacabka. Sidoo kale, Boolisku wuxuu xoojiyey dadaallada la dagaallanka cid kasta oo si khaldan u adeegsaneysa dharka iyo magaca Ciidanka.
Ugu dambeyn, Booliska Puntland wuxuu shacabka ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, islamarkaana ay si degdeg ah ugu soo wargeliyaan falalka sharci-darrada ah si tallaabo degdeg ah looga qaado.
Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7
— DHAMMAAD —
Wixii Faahfaahin dheeraad ah kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland.
Twitter: https://x.com/Plpoliceforce
Website: www.police.pl.so
Email: media@police.pl.so
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.