Booliska Puntland oo xaqiijiyay Geerida Xubin ka tirsanaa Daacish

Ciidanka Dembi-baarista ( CID) ee Booliska Puntland ayaa xaqiijiyey geerida Mohamed Saalim Mohammed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Yemen, ka tirsanaa Kooxda Daacish inuu ku geeriyooday agagaarka Degmadda Dhudhub ee Gobolka Karkaar, xilli uu ka yimi Kooxda uu ka tirsanaa, uuna la socday nin kalena oo Soomaali ah kaas oo Hay’adaha amniga baadi-goobayaan.

Ciidanka Dembi-baarista CID ee Booliska Puntland ayaa sheegay in meydka Mohamed Saalim Mohammed la helay 02 September 2023, waxa uuna u geeriyooday gaajo iyo haraad, lama oga inuu doonayay inuu ka baxsado Kooxda Daacish iyo inuu u socday hawl-gal kooxdiisa u dirtay.

Weli waxaa socda hawl-galada lagu dagaalamayo Kooxaha Argagixisada ee Daacish iyo Shabaab kuwaas oo dhibaateeya dadka shacabka.

Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

#Fadlan la soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland adigoo garaacaya Number-ka 999 si lacag la’aan ah.

– DHAMMAAD –


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading