Booqashadii RW Khayre Uu ku tagi lahaa Imaaraadka Oo markii labaad la baajiyay

Waa markii labaad oo bil gudaheeda ah oo la baajinayo safar siyaasadeed xasaasi ah oo uu ra’iisul wasaare Kheyrre ku tagayay dalka Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya xiriir siyaasadeed uu kala dhexeeya.
 
Kal hore oo bishan ah ayaa la baajiyay kheyrre, ha yeeshee waxaa la hadal hayay in uu aadaya safarkiisa maalintii shalay ahayd oo Axad ahayd, balse ma suurta gelin ka dib cadaadis siyaasadeed oo soo wajahay wasiirka koobaad.
 
Kheyrre ayaan aad ula dhacsaneyn qaabka ay Villa Soomaaliya kula dhaqmeyso, waxaana uu hadda joogaa kama dambeys go’aankii uu ka qaadan lahaa, maaddaama uu cadaadiska xerga goosanayo.
 
Hoggaamiyayaasha Villa Somalia daaha gadaashiisa ka maamula ee uu Fahad Yaasiin kamid yahay ayaa u diiday Kheyrre in uu aado dalka Imaaraadka inta xiisadda siyaasadeed ay jirto.
 
Farmaajo oo aan xurguf shakhsiyadeed kala dhexeyn Kheyrre ayaa talo ahaan usoo jeediyay in Kheyrre uu joogo inta arrinta meel ay u dhaceyso si aan loogu maleyn in khilaaf dartii uu u aaday Imaaraadka.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading