Boosaaso: Gen. Muxyadiin oo Magacaabay Taliyayaal Cusub

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa u Magacaabay Taliyayaal Cusub Kantaroolka Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari iyo Taliska Saldhiga Baalade ee Boosaaso.

S/Gaas Muxyadiin Axmed Muuse ayaa Taliyaha Taliyaha Rugta Kantaroolka Magaalada Boosaaso u Magacaabay  Dhamme Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale), halka ku xigeenkiisa loo Magacaabay, Xiddigle Axmed Ciise Ducaale, sida ku cad dikreeto ka soo baxday xafiiska taliyaha Booliiska Puntland.

Sidoo kale, Xiddigle Cabdirashiid Salaad Maxamed ayaa loo Magacaabay Taliyaha saldhiga Booliiska xaafadda Baalade ee Magaalada Boosaaso.

Akhriso Wareegtada Magacaabista ah ee uu soo saaray Gen. Muxyadiin.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading