Boqor Burhaan iyo culaystada ka haysta dhex-dhexaadinta Dowlada iyo Mucaaradka

Xurmadle Boqor Burhaan dadaalka uu wado,waxaa haysta culays ubaahan ka baaraan dagid iyo ka fiirsasho.

1.Boqorku mahayo Isimadii waa weynaa ee isaga la maqaamka ahaa dhamaantood.

2.Boqorka uma fiicna hawshii uu u Gacan qaaday ee uu Garowe ufadhiyay mudada in ay fashil ku dhamaato.

3.Boqorku ma rabo in isku dhac kale dhasho,isagoo dhex fadhiya,sidii Bosaso.

4.Boqorka,waxaa culays kale ku ah Macangagnimada MW Deni.

Sida la filayo Boqorku Labada dhinacba,waa iska uruurinayaa in la xijiyo,waxuuna soo saari doonaa waxuun dhexdhexaadnimo ah.

Xurmadle Boqor Burhaan,waxuu aad uga taxadarayaa Warqadii Bosaso ee uu ka danbeeyay isku dhicii xumaa in aysan noqon mida Garowe kasoo bixi doonta.

Boqorku,waxuu rabaa in ay noqoto Warqada kasoo baxda mid shaafisa dhan walba oo Bulshada Qalbiga uqaboojisa looguna duceeyo.

Balse,waxaa khatar ku ah doonitaanka Madasha Mucaaradka ee ah in Boqorku siiyo Sharciyad Dhaqan oo ay kula diriraan MW Deni.

Sida aan xogaha ku helayo Boqorku waa ka digtoon yahay gaadmada Mucaaradka Madasha.

Waxaan rajaynaynaa xal Boqorku hormuud unoqdo in la gaaro.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading