Boqor Burhaan oo xaqiijistay Gudoonka Dhaqan Ee Puntland

Xurmadle Boqor Burhaan imaanshaha Garowe,waxay isaga utahay Guul,sababtoo ah,waxuu si fudud u xaqiijiyay Gudoonkiisii Dhaqanka Puntland.

In isagoo la fadhiya Madaxweyne Deni lasoo saaro Khariirada Doorashada,waxay ka dhigan tahay Shirkii ay ufadhiyeen in aan loo sii baahnayn.

Waji gabaxa ugu weyn Dhaqan ahaan,waxuu ku dhacay Suldaan Garaase iyo Beeshiisa Abokor Ciise oo waxay kula kala dhinteen Beesha Muuse Ciise kuna soo afjareen Gudoonkii Islaan Ciise ee Garowe Maanta waa waxba kama jiraan oo Deni,ayaa soo afjaray.

Siyaasiyan,waxaa iyaguna dharbaaxo ku dhacday Aaran-jaan oo islahaa Gacanta Boqorka ku bireeya Deni,waase usocon wayday oo wax walba oo kasoo baxa Shirka Isimada ee la fashiliyay miisaan maleh.

Si gaar ah Beesha Cismaan Maxamuud xisaabtu kama khaldana oo Gudoonkii Siyaasada iyo Gudoonkii Dhaqanka reer PL Gacantuu ugalay.

Ha socoto Garaantu.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading