Boqorada UK oo ansixisay kala dirista Baarlamaanka dalkaas

Boqoradda dalka Ingiriiska, Elizabeth ayaa ansixisay codsi uga yimid ra’iisul wasaaraha cusub ee waddankaas, Boris Johnson, kaasoo dalbaday in la hakad la galiyo howlaha baarlamaanka.

Golaha ayaa ayaa la kala diri doonaa maalmo yar ka dib marka ay xildhibaannada bisha September dib uga soo laabtaan fasaxii ay ku maqnaayeen.

Shaqada aqalka ayaa hakad ku jiri doonta ilaa marka ay dhowr isbuuc oo kaliya ka harsan yihiin waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay in Britain ay ku gaarto heshiiska ay uga baxeyso midowga Yurub.

Waxaa uu go’aanka ku saabsan hakista shaqada baarlamaanka hir gali karaa inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 12-ka bisha Sitembar wuxuuna ku egyahay bartamaha bisha Oktober ee sanadkan.

Boris Johnson ayaa sheegay in khudbadda boqoradda ay qabsoomi doonto marka dib loo howlgaliyo baarlamaanka, oo ku began 14-ka bisha Oktober.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading