BOROORTU ORIGA KA WEYN MUQDISHO!! WQ.Alibashi Said

Hada ka hor ayaa waxaa is guursaday wiil iyo gabar. Guurka ka sokow waxay ahaayeen wiilka iyo gabadhu ilma abti iyo ehel dhow. Maalintii danbe ayaa reerkii wiilka iyo reero kale dagaal dhex maray oo waxaa dhacay dagaal sokeeye.
Wiilkii ayaa dagaalkii ku dhintay. Gabadhii aad bay u murugootay maadaama saygeedii ay jacelayd oo marna walaalkeed ah uu ka geeriyooday. Laakiin hadana dadka oo waayadaas aad u xishood badnaa awgeed kor uma ooyin iyadoo ka baqaysa in ceeb looga dhigo ninkii bay ka samriwayday.
Maalintii la gaaray tacsidii marxuumka ayaa waxaa lagu qalay tacsidii orgi weyn oo reerka u joogay. Markii tacsidii laga soo dareeray ayaa gabadha hooyadeed oo marna sodoh marna reedo u ah wiilkii la dilay ayaa kor u ooyday. Gabadhii wiilku ka dhintay oo rabta in aan la dareemin ayaa oohin ku hoos qarisay. Islaantii markii ay in xoogaa ah ooyday waa iska aamustay.  Laakiin gabadhii hiq iyo oohin afwaa isku dariwaysay ilaa waa qof gacaliyaheedii laga dilaye.
Hooyadii gabadha dhashay oo rabta in ay gabadheeda u ceeb qariso si aan loo dareemin in ay ninkii ka samriwayday oo aan loogu dicaayadayn ayaa tiri gabadhayda heblaayo waa qof lixjeclo badan oo aad u dhaqaalo badan orgigii aan tacsida ku qalay bay u ooyaysaa oo ka samriladahay.
Islaan meesha fadhiday oo dadkii tacsida u yimid ka mid ahayd islamrkaasna qof faahin ah ahayd oo fahantay gabadhu in ay ninkii u oynayso oo ka samirladahay ayaa ku tiri islaantii gabadha dhashay “wagareey wager hablaayo warka ha la cadeeyo baroortaani origa ka wayne”.
Haatan waxaa islaantaa gabadha dhashay la mid ah dadka huuhaada iyo bulaanka ka bilaabay magaalada muqdisho kadib intii farmaajo la doortay. Waxay ku sifoobeen maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd “hashu haday maqaarka diidayso meelo daldaloola bay ka eegtaa”.

Dadka haatan muqdisho degan oo isugu jira kuwa ku soo guuray burburkii iyo kuwa ku dhashay oo deegaan ku ah waa umad badan foodo iyo nidaam diidna ma wada aha laakiin waxaan ka hadlaayaa inta dawladnimada diidan.

Dadkaas diidan in la helo sharci, nidaam, xaqsoor, cadaalad iyo dawladnimo waxay isugu jiraan afar nooc oo kala ah. Dad haysta guri, beer iyo bogcad aysan lahayn ama shacab ha lahaado ama dawladu ha lahaatee oo ka cabsi qaba hadii sharci iyo dawladnimo adag la helo in laga qaado oo dadkii lahaa loo celiyo.  Nooca labaad waa siyaasiyiin kuwa sheekta oo dhaqankii kaga lumay dawladihii madax ka noosha ahaa ee dalka soo maray fadhigooduna ahaa muqdisho oo doonaaya dan gaar ah haday waayaana waa cadkeeroow ku cunay ama ku ciideeyay.

Nooca sadexaad waa dad weli taagan heerkii Somalidu joogtay 1991-dii halbeega ay wax ku cabiraana yahay qabiil iyo reer hebel oo keliya iyaga marka waa lagu awrkacsadaa oo kooxaha aan kor ku soo xusay ayaa dhegta wax uga sheega si ay wax ugu carqaladeeyaan.
Kooxda afraad waa taliskii xukun looga guulaystay oo dhinacyo badan kaga daaban sadexda qaybood oo kale.

Marka la eego dhamaan kooxahaani waxaa ay wataan waa dano gaar ah oo riqiis ah marka loo eego qaranimada dalka. Marka inta ay banaanka soo istaagaan si bareer ah uma cadaysankaraan waxaa ay doonaayaan.  Oo ma orankaraan kursi, ama lacg baa lay diiday, bogacad iyo beer reero leeyihiin baan haystaa hadii Dawlad la helana waa layga qaadin oo sidaas ayaan dawlada ku diidin. Madaxweynaha ayaan reerkayga ahayn iwm.

Marka waxay samaynaayaan boor isku qaris iyo in ay keenaan xujooyin kale sida maqaamkii caasimada ayaan doonaynaa. Beelo gaar ah ayaa hubka dhigis lagu samayn. Dawlada ayaanu toosin. Xaalkoodu waa habar dhaliwayday aleelo kuwaalatay.

Mucaarad wax toosin. 

Oraah Soomaaliyeed ayaa ahayd “in la riyoodo in la seexdo baa ka horaysa” dowladu in ay wax khalado ama saxdo oo la dhaliilo, waxaa ka horaysa in ay boqol maalmood gaarto oo shaqayso.

Hanti la kala haysto. 

Horaa loo yiri “runta hadaan laysu sheegin bedelkeed baa laysu sheegaa oo waa been ” Somalidu 30 sano ku dhawaad bay been isu sheegaysay iyo waxaan dawladnimo lagu gaarikarin ee runta ha laysu sheego. Ma dhicikarto laga jeceli xaydha jecli dawladnimo ayaan rabaa iyo nin Soomaaliyeed baan gurigiisa iyo beertiisa haysan caasimadana gaar baan u sheegan. Labadaas qaabka laysu qabadsiin dadka ay qusayso baan jawaabteeda ka sugaayaa.

Qabyaalad. 

Aduunka umaduhu waa jabaan lkn jabkooda waxbay ka bartaan kadibna waa ka gudbaan. 27 sano ayaa bulshada Soomaaliyeed qabiil isu dilaysay welina lama hayo qabiil guulaystay oo dalkii wada qabsaday. Waxaa kaliya oo aynu ka dhaxalnay waa in aynu qaranimadeenii ku waynay aduunkana ku bahdilanay. Marka miyaan la joogin maanta wakhtigii aynu wax ka baran lahayn oo ka gudbilahayn?

Maqaamka Caasimada.

Dawlad federaal ah Somaliya uguma horeyn aduunka dalal badan oo aduunka ah ayaa looga dhaqmaa. Mana jirto dal caasimadiisa qabiil gaar ahi maamulaan. Hadii dastuur iyo nidaam la ilaalina dalku Baarlamaan ayuu leeyahay reer walbana xubin baarlamaan oo ay soo wakiisheen ayaa u fadhida. baarlamaanka iyo gudiyada dastuurka ha loo daayo wixii u baahan maqaam u samayn iyo nidaamin.

Gunaanad.

Somaliya maanta waxay haystaa fursad weyn oo ay uga faa’iidaysankarto in ay qaranimadeedii iyo sharafkeedii dib ula soo noqoto. Aduunkuna ku garabtaagan yahay. Waxaynu helnay madax dhalinyaro ah oo ilaa hada wado fiican wax ku hogaaminaaya. Way adagtahay hadii fursadaan la lumiyo in dib loo helo iyadoo kale. Qabiil Sodon sano ayaynu isu dilaynay meelna ku gaariwaynay. waxaa ina deeqda qaranimada. Hadaba dadka Soomaaliyeedoow ha noqonina khayr ka bood oo ha luminina fursadaas qaaliga ah.

Alibashi Said

Email Alibashi.said@gmail.com


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading