Brasil waxaa ka jirta xalad deg deg ah!!

A greve de caminhoneiros do Brasil)-

Brasil waxaa ka jirta xalad deg deg ah.
Lagasoo bilaabo maalintii khamiista waxaa shaqo joojin ku jira Gaadiidka Xamuulka ee Dalka Brasil.

Waxaa istagay dhammaan Baaburta xamuulka ee, u kala gooshta Waddanka gudihiisa, tani waxay ka dembeysay kadib markii qiimaha (Naafatadu) qaaliyoobay, ama kor u kac uu ku yimid.

Waxa kor u kac ku yimid Qiimaha Shidaalka waxeyna saamyn xoggan kuyeelatay dhammaan isu socdkii Dalka xitaa waxay saamayn ku yeelatay Safaradii Duulimaadyadda dibadda u safari jiray kadib markii Garoomadda Caalamiga ee Brazil ay gartay kor u kaca Shidaalka.

Waxaa shaqo joojin sameyey Darawaliinta Baabuurta Xamuulka waxeyna saamayn weyn ku yeelatay isu socodka Dadweyna.

Waxaa dhammaan la xiray inta badan Bosteejooyinka waweyn ee Gaadiidu ka baxo soona galo tan iyo maalintii Khamiista ee 24/ 05 /2018.

Madaxweynaha Dalka Brasil Ninka lagu magacaabo Michel Temer ayaa Jimcihii amar ku bixiyey in Ciidanka Qaranku ay furan Waddooyinka ay xiren Gadiidleydu, Ciidamo lagu magacaabo polícia federal iyo Policia Rodoviáro, iyo Wasaaradda difaaca ayaa amar lagu siiyey inay gacan ka geystan sidii loo furi lahaa Waddooyinka lagu xiray Baabuurta Xamuulka, welise laguma guuleysan.

Waxaa sidookale qaaliyoobay Mucaashada kadib markii Baabuurtu keeni wayeen Adeegyaduu looga bahna suuqyada sida maalin laha looga adeegan jiray, waxaa gabi ahaanba gabaabis galay Gaaska lagu isticmaalo Guryaha:

Dawlad Gobolleedyada qeybtood ayaa waxaa aad u kacay Qiimaha Badeecooyinka qutul daruuriga sida Caanaha, Ukunta, Gaaska, IWM.

Waxaa jira shirar is damba joga oo ay leeyihiin Dawladda iyo Ururadda shaqaalaha siiba Gaadiidleyda welise wax natiijo ah lagama gaarin.

Wadayaasha Gaadiidka Xamuulka ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan shaqo joojinta inta Qiimaha Shidaalku qaaliyahay, sidookale waxaa aad qiimo kac igu yimid Lacagta Doolarka.

Shaqo joojintu waxay saamayn ku yeelatay Warshadaha waweyn ee sida maalinlaha wax usoo saari jiray, Iskuuladdii iyo Dukaamaddii waweyna.

Kaalimaha Shidaalka lagu iibsho waxaa safaf dhaadheer ugu jira Gadiidka yaryarka iyo Mootooyinka, inta badan waxaa laxiray Kaalimaha Shidaalka Iibsha.

Meelaha qarkood waxaa si tel-tela loo furay waddooyin loogu tala galay inay Maran Baabuurta Gurmadka deg dega ee loo yaqaan (ABBALAASTA).

Waxay kala oo saamayn weyn ku yaalatay Garoomadda Maxaliga ee ay maamulan Dawlad Gobolleedyadu ilaa 11, Garoono ayaa joojiyey duulimaadyo Dalka gudihiisa.

Goob joge
Cabdinuur Faarax M.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading