Brazil oo u gudubtay wareega siddeeda ee Koobka Aduunka

Xulka Brazil ayaa gaaray wareega sideeda ee Koobka Aduunka kadib marki 2-0 uga badiyeen xulka qaranka ee Mexico, ciyaar ka dhacday garoonka Samara Arena ee magaalada Samara.

Guusha ay gaartay Brazil oo aheyd mid ay u qalantay waxaa door weyn ka ciyaaray xidigooda Naymar oo dhaliyay goolka koowaad daqiiqadii 51-aad, goolka labaadna wuxuu ahaa mid uu baasay isla Naymar, balse uu shabaqada ku hubsaday daqiiqadii 88-aad ciyaaryahan Firmino oo dhamaadki ciyaarta baddal kusoo galay.

Waa marki todobaad oo ay Mexico ku dhacdo in ay u gudubto wareega sideeda koox ee ciyaaraha aduunka. Halka Brazil ay taasi caksigeeda markeedii todobaad oo xiriir ah ay u gudbeyso wareega sideeda ee tartanka Koobka Aduunka.

Brazil waxay la dheeli doontaa ciyaarteeda soo socota mid ka mid ah xulalka Belgium iyo Japan.

Kulanka soo socda Brazil waxaa ka maqnaan doona laacibkooda khadka dhexe Casemiro kaas oo hadda qaba laba jaalle. Waxaa sidoo kale aanan la hubin inuu ciyaari doono iyo in kale laacika difaaca ka ciyaara ee Marcelo.

Marcelo ayaa ku dhaawacmay kulanki ay Brazil la dheeleen Serbia inti lagu guda jiray is-reeb-reebki Group-yada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading