PDRC waxay qayb ka ahayd bulshada rayidka ah ee maanta kula kulmay Garowe wafti ka socda beesha caalamka ee maanta yimid Garowe.

Dhinacyada kulmay,ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee Soomaaliya, dastuurka, amniga iyo doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya 2021.

Waftigan oo ka kooban midowga yurub, midowga afrika, iyo urur goboleedka IGAD,ayaa waxaa hogaaminayay ergayga qaramada midoobey uqaabilsan arimaha soomaaliya James Swan si ay u raadiyaan aragtida maamulka puntland, odayaasha iyo bulshada rayidka ah.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.