Burcad Badeed lagu qabtay meel ku Aadan Xeebaha Eyl

Markab dagaal oo laga leeyahay Dalka Hindiya,ayaa qabtay Burcad Badeed hubaysan oo dhawaan Xeebaha Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ka Af-duubtay Doon Kalluumeysi oo Yemen laga leeyahay.

Burcad Badeeda Gacanta lagu dhigay oo ka soo wada jeeda PL,ayaa Subaxnimadii hore ee saaka goob ka baxsan Biyaha Somaliya ku weeraray Doon Kalluumeysi oo Hindiya laga leeyahay taasoo dalbatay gurmad deg-deg ah,kadibna uu usoo gurmaday Markabkan dagaal.

Sidoo kale Doontii Kalluumeysi ee ay horay u qabsadeen Burcadan,ayaa iyadana laga furtay oo hada ku jirta Gacanta Ciidamada Hindiya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading