Burundi oo Dalbadatay kulan Deg deg ah oo looga hadlayo bixitaanka Ciidankeeda jooga Soomaaliya.

BUJUMBURA (IDIL NEWS)-Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Burundi ayaa ku baaqay Kulan deg-deg ah oo looga arrinsanayo ka bixitaanka Ciidanka Burundi ee Howlgalka ku jira ka hor dhamaaadka Bishaan.

Midowgaa Africa ayaa si tartiib-tartiib ah waxaa uu u yareeynayaa Ciidanka ka jooga Soomaaliya, waxaana qorshuhu yahay in dhamaadka Bishaan dalka ay ka baxaan 1000 Askari oo kasocda Brundi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa oo Booqasho ku tagay Bujumbura ayaa la kulmay dhigiisa Brundi Pierre Nkurinziza,  waxayna muujiyeen Walaaca ay ka qabaan in saameeyn aan wanaaagsaneeyn ay ka dhalato Ciidanka AMISOM ee ka baxaya Shabeelaha dhexe.

“waxaan ku baaqeeynaa kulan deg-deg ah in ay yeeshaa wadamadda Ciidankoodu ka mid yahay AMISOM si dib loogu eego go’aanka” ayuu yiri Pierre Nkurunziza.

Wargeeyska the Sun daily oo soo xiganaya ilo-wareed uusan magaciisa daabicin, ayaa sheegaya in Ciidanka Brundi ay Soomaaliya ka baxayaan inta u dhexeeysa 21 iyo 26 ka Bishaan February.

Dowladda Burundi ayaa si cad u diidan in Ciidankeeda Soomaaliya laga soo saaro, waxaana ay ku doodeeysaa in Dalalka AMISOM ka mid ay u sinaadaan Ciidanka la saarayo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading