Burundi,waa iska nacday kasii mid ahaanshaha hawlgalka lagu sheego Nabad Ilaalinta ee Dhaqaalaha lagu lunsado ee Bartamaha iyo Koonfurta Somaliya.
Burundi,waxay taagan tahay Cadad Ciidan oo Dhaqaale nooga soo bixi karo nasiiya hadii kale,waa ka baxaynaa hawlgalka.
Waxa ugu weyn ee Wadamada ku jira hawlgalkan ay udoorteen in ay Qayb uga noqdaan,waa Dhaqaale samayn.
20-kun oo Askari oo hawlgalka Midowga Afrika ah oo 20-Sano soo waday Nabad ilaalin laguma gaarin guul ka weyn ilaalinta Madaxda iyo Xarumaha Hay’adaha Fadaraaliga ah ee Muqdisha fadhiya.
Nasiibdaro,waxaa ah in 20-Sano kadib lagu guulaysan waayay in laga maarmo Ciidankaas oo lagala wareego Amniga.
Sidoo kale 20-Sano kadib,waxaa loo baahday hawlgal cusub iyo Wadamo cusub oo Nabad ilaalin sii sameeya.
Sida muuqata B&K Somaliya 20-ka Sano ee soo socota,waa looga baahan yahay Ciidamada Midowga Afrika ee reer Galbeedku maalgaliyaan,sababtoo ah mahan Dhul looga diyaarsan yahay Maamul iyo kala danbayn.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.