Bushkuleetiyada lagu wato Copenhegen oo ka tira batay Baabuurta magaalada

Magaalada Copenhagen ee Caasimada Dalka Danmark, waxaa lagu dhex wataa tiro baaskiilo(bushkuleetiyo) ah oo ka badan baabuurta magaalada.

Kaamaradaha wax duuba ee magaaladu waxa ay tiriyeen 265,000 oo baaskiil in lagu wato magaalada bartamaheeda(city center), halka baabuurtu tahay 253,000.

Dadka baaskiillada ku orda ee magaaladu waxa ay maalintii jaraan masaafo dhan 1.24 milyan KM.

Dowladdu waxa ay wadooyinka ay baaskiiladu maraan iyo meelaha la dhigto ku maalgelisay lacag dhan 140 milyan oo dollar tan iyo sanadkii 2005.

Xigasho: World Economic Forum


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Bushkuleetiyada lagu wato Copenhegen oo ka tira batay Baabuurta magaalada"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading