Buug dhaawacaya Olalaha Trump oo soo baxaya Todobaadkan

Buug cusub oo uu qoray Bob Woodward oo ahaa wariyihii wax ka sameeyay baaritaanka fadeexadii Watergate ayaa sheegay in Donald Trump uu si qarsoodi ah ugu diray mashiinada lagu baraao Covid 19 madaxweyne Putin si shaqsiyan u isticmaalo mar sahaydu ka yaraatay.

Ololaha Madaxweyne Donald Trump way beeniyeen eedaas loo jeediyay.

Buugga oo cinwaan looga dhigay ‘Dagaal’ waxaa sidoo kale ku jira waxyaabo ka hadlaya in Donald Trump uu si qarsoodi ah ula xiriiri jiray Putin ilaa iyo markii uu ka tagay xafiiska sida ay soo xigteen warbaahinta Mareykanka.

Donald Trump wuxuu sheegay in ay yihiin waxyaabo aan run aheyn oo been abuur ah.

Buugga cusub,ayaa soo bixi doono toddobaadka soo socda, waxaana ku qoran xiriiro dhexmaray Madaxweynihii hore iyo Putin iyo Qof kaaliye u ahaa Trump oo aan Magacisia la sheegin.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading