C.C.Warsame oo tilmaamay sida uu Sharciga ubaalmarsan yahay wax ka badalka Dastuurka Ee Xasan Shiikh

Markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa dhici karta in xildhibaan uu Sabtiga u codeeyo Baarlamaan aan Madaxweyne dooranaynin, Raysalwasaarana xil ka qaadi karin.

Waxaa la yaab leh in xitaa la aaamini waayey habraacii lagu muransanaa ee dib u eegista dastuurka, kaasoo dhigaya in marka ay doodda xildhibaannada soo idlaato, muddo bil gudaheed ah lagu soo turxaan bixiyo talo soo jeedintii, su’aalihii iyo sixitaankii ka yimid xildhibaannada, ka dibna lagu soo daro cutubyada laga dooday, ka dibna la tashiyo lala soo yeesho jihooyinka soo socda;

1- Madaxtooyada JFS
2- Xukuumadda JFS
3- Maxkamadda Sare
4- Makamadda Dastuurka
5- Xukuumadaha Dowlad Goboleedyada
6- Golayaasha Wakiilada Dowlad Goboleedyada
7- Maamulka Gobolka Banaadir
8- Maamulka SSC-Khaatumo
9-Culimada Soomaaliyeed

Markaa ka dib Baarlamaanka dib lagu soo celiyo si loo xaqiijiyo in doodihii lagu soo daray, la tashiyadii 9-ka jiho ee habraacu dhigayey la soo sameeyay, ka dibna si ku meel gaar ah aqlabiyad fudud oo 50+ 1 ah lagu ansixiyo, lala sugo ilaa iyo inta laga soo dhammeynayo dib u eegista cutubyada kale ee 11 ka ah ee dastuurka, kolkaana si guud aqlabiyad buuxda oo sedax meelood laba meel, labada aqal si kala gooni ah ugu ansixiyaan.

Madaxweynaha waxaa ku dheeraaday waqtiga lagu soo turxaan bixinayo doodaha xildhibaannada oo gaaraya in ka badan 1000 bog oo qoraal ah iyo la tashiyada 9-ka jiho.

Wuxuu amray guddoonka Baarlamaanka iyo labada guddi ee dastuurka in dib loo dhigo la tashiyada, doodaha xildhibaannada in kooban laga soo qaato, Khamiista beri ahna hawlahaas la soo gebagebeeyo, Sabtigana si kama danbays ah cod buuxa loogu qaado. Markii ay guddoonka ku wargeliyeen in aan la heli karin kooram Baarlamaan iyo tiro ka badan 220 xildhibaan, Madaxweynuhu wuxuu ku adkaystay in intii timaada lagu socodsiiyo.

Madaxweynaha wuxuu doonayaa in uu meelmariyo shan ajande oo labo ka mid ah uusan marna ka talaasuli doonin;

1- In Madaxweynaha qof iyo cod lagu soo doorto, waxaa halkaa ku duugan in uu xilka haynayo ilaa ay dalka doorasho qof iyo cod ah ka dhacayso. Hore uma dhicin taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya mar uusan Baarlamaanku dooranin Madaxweyne, 1960- 2022, marka laga reebo xukunkii Milateriga.

2- Guddi doorasho oo qabta labada heer doorasho ee Federaal iyo Dowlad Goboleed, taasoo ka dhigan go’aaminta cidda ka soo baxaysa doorashooyinka dawlad goboleedka.

3- In jagada Ra’iisul Wasaaraha meesha laga saaro oo Madaxweyne iyo ku xigeen la sameeyo, ama laga dhigo Ra’iisul Wasaare uu Madaxweynuhu eryi karo, Baarlamaanka la’aantiis. Markii ugu horraysay taariikhda Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya Baarlamaan magac u yaal ah oo aan madaxweyne dooranaynin, Ra’iisul Wasaarana xil ka qaadi karin.

4- Labo Xisbi oo mid hantida iyo awoodda dawlada lagu dhiso iyo mid malxiis u ah.

5- Hal degaan doorasho oo liis xiran ah, magacyada xildhibaannada iyo kuraastaba uu hoggaamiyaha xisbiga go’aaminayo.

Madaxweynuhu isagoo og in Somaliland ay maqantahay, Puntland boodday, in badan oo Koonfurta dalka ka mid ahna argagexiso haysato ayuu balanqaadayaa in 15 May 2026 ka hor la qabanayo doorashooyinka golayaasha deegaannada, golaha wakiillada, Madaxweynayaasha dawlad gobolleedyada, baarlamaanka federaalka ah iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Waxaasoo idil waxay ku soo dhammaanaysaa xilka waan haynayaa ilaa doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah dalka ka dhacdo. Sow uun maaha sancadii Madaxweynahii xilka uga horreeyey oo la soo hormariyey?

C.C.Warsame


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading