C.C.Warsame oo uga digay Itoobiya in ay faragaliso doorashada Jubaland

Wiilka ku simaha ka ah hay’adda Nabadsugida ayaa todobaadkii ugu danbeeyey dhowr jeer isaga daba noqday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.

Wuxuu kulamo la yeeshay saraakiil sare oo sirdoonka Milateriga Itoobiya ka tirsan. Willku wado musuq ah ayuu ku raadinayaa in ciidan Itoobiya Dhuusamareeb la geeyo, kuwa Kismaayo ku sugana ay afduubaan doorashada Jubaland sidii Baydhabo oo kale.

Dawlada Itoobiy waxaan ugu baaqaynaa in ay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya faraha kala baxdo.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa dhib ugu filan fara gelintii qaawnayd ee ay kula kaceen doorashadii madaxtinino ee 2017kii iyo tii maamul Goboleedka K/Galbeed ee ay Baydhabo 2018 ka gaysteen.

Xigasho:-Cabdiraxmaan Cabdishakuur.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading